Monday, July 14, 2008

Mudaaharaadyadda dadweynaha iyo dilalka ciidamadda nabadgelyada

Waxa maalmahii dhawaa ee ina soo dhaafay ka dhacay mid ka mida xaafaddaha koonfurta magaaladda Hargeysa mudaaharaad aad u balaadhan oo looga soo horjeeday in riig ka qodayay ceelal biyo ah koonfurta magaaladda Hargeysa, oo deeq ahaan looga keenay wadanka imaaraadka carabta loo wareejiyo deegaanadda galbeedka Hargeysa, iyada oo hawshii biyo soo saarista ahayd ee uu halkaasi ka waday riigu aan wali laga gun gaadhin. Mudaaharaadkan waxa ku dhintay saddex qof, dad ka badan toban qofna way ku dhawaacameen.

Arrintan dilalka iyo dhaawaca ah ee lagala hortago dadka shacabka ah ee muddaaharaadada samaynaya ayaa ah mid soo noq noqota oo ay caado ka dhigteen ciidamadda nabadgelyada(i.e booliska iyo milatariga) ee Somaliland.Tusaale ahaan, bishii April ee isla sannadkan waxa rasaas nool lagu furay dad shacaba oo mudaaharaad ka sameynayay xaafadda Axmed dhagax, halkaas oo ay ku dhinteen saddex qof, dad kale oo faro badanina ay ku dhaawacmeen.

Marka ay xukuumaddi lumiso kalsoonida shacabkeeda waxa lagu gartaa argagaxa iyo cabsida ay ku muujiso isu soo baxyada iyo isu imaatinka dadweynaha, iyadda oo ka war warta in isu soo baxyadu ay isu rogaan qaar kursiga lagaga tuuro xukuumaddaa lumisay kalsoonidda shacabkeeda.Tan ayaa ah sabata ugu wayn ee ciidamadda nabadgalyada durbadiiba loogu daad guureeyo goobaha isu soo baxyadda dadweynahu ka aloosmaan.

Arrintan soo noq noqota ee cidamadda nabadgelyadu ay ku furaan rasaas nool dad si nabadgalyo ah ugu cabiraya dareeenkooda qaab mudaaharaad ayaa waxa dhiiri galiya dhowr arrimood oo ay masuuliyadeeda leedahay xukuumda Somaliland.

Ta koowaad, xukuumadda waxa ay caado ka dhigatay in marka dilalka noocan ah ay ciidamadu kula kacaan mudaaharaadayaasha, in ay tidhaahdo anaga ayaa qaadanay magta dadkaa ciidamadu dileen, iyada oo haba yaraatee aan wax baadhis ah lagu samayn dambiga meesha ka dhacay iyo cida gaysatay toona. Tani waxa ay keentaa in uu meesha ka baxo la xisaabtanka askarta dambiga ku kacaday, la xisaabtan la’aantaas oo fududaysa in asaskartaasi ama kuwo kale oo la mid ahi ay mar kale ku kacaan dambi la mid ah kan aan lagula xisaabtamin.Waxa kale oo ay tani bixinaysaa sawirka ah in ay xukuumadu liisan u siisay ciidamadda in ay siday doonaan ula dhaqmaan muwaadiniinta isu soo baxyadda sameeya.

Arrinta kale ee dhiirigalisa dilalka ciidamadu kula kacaan dadweynaha ayaa ah tabobar iyo qalab la’aan dhanka ciidamada ah , gaar ahaan kuwa booliska, oo aan loo diyaarin qaabka looga hortago isu soo baxyada dadweynaha. Sida la wada ogsoon yahay, ciidamada loo diro goobaha mudaaharaadyaddu waxa ay ku qalabaysanyihiin qoryo ay ku jirto rasaas nooli. Waxaanay u muuqataa in ay ciidamadu kaga dhabeeyaan xigmada tadhaahda hadii aad dube kaliyaata haysato wax aad la doon doonataa uun masaabiir aad ku garaacdo.Hadii aanu askarigu haysan wax kale oo uu kala hortago dadweynha, wax uu isticmaalaayaa uun qoriga uu gacanta ku sito.

Dalalka dunida ee nolosha muwaadiniintooda qiimeeya waxa ay leeyahiin ciidamo si gaar ah loogu tabobaray ka hortga mudaaharaadadda daweynaha. Ciidamadaasi waxa ay ku hubaysan yihiin qalab aan inta badan halis galin nololsha dadka sida koofiyado iyo gaashaamo dhagaxa ama waxyaabaha ay dad weynahu tuurayaan lagaga gabado, qiiqa dadka kaga ilmaysiiya, booyado biyo aad u xoog badan tuuraya iyo qalab kale oo lagula tacaalo mudaaharaadyadda .

Hadaba iyada oo ay xukuumadda Somaliland sheegato in lacagta ugu badan ee miisaaniyadda dawladu ay ku baxdo dhinaca nabadgelyadda, miyay kari way day in ay dhowr boqol oo ciidamada booliska ah u tababarto ka hortagida mudaaharaadyadda, una soo ibiiso qalabka ku haboon ee lagala hortago mudaaharaadyadda dadweynaha, halka ay ka soo kaa kicinayso ciidamo ku hubaysan qoryaha lidka diyaaraddaha iyo beebeeyo marka ay meel mudaaharaadyo ka dhacaan?

Mise waxa uga qiimo jabnaatay xukuumada Dahaahir Riyaale in ay maalin walba ciidamadeedu ku daadiyaan dhiiga dadweynaha wadooyinka magaalooyinka waaweyn, oo ay dabadeed xukuumaddu dambiga meesha ka dhacay ku dambabasto maggo laga siiyo qoysaska dhibaatadu soo gaadhay cashuurta dadweynaha laga soo urruriyay?

Gebogebodii, maamul xumadda xukuumadda talada haysa ee Daahir Riyaale waxa la filan karaa in ay horseeedi doontaa mudaaharaadyo kale oo dalka ka dhaca waqtiyadda soo socda, laakiin waxa aan la ogayn inta ay xukuumaddu ku sii badbaadi doonto siyaasadda ah ‘horta toogta , dib ayaynu magta ka bixin doonaa e’ ee ay xukuumaddu kula dhaqanto muwaadiniin si nabad ah u muujiniya cabaashooy ay tirsanayaan, haba noqdaan cabashooyinkaasi qaar qaldan mararka qarkood e.

Monday, June 30, 2008

Hadii SNM idin siisay degmo, anaguna.....

Waxa habeen hore Television-ka xukuumadda Somaliland ka baxay hambalyo ay u jeedinaysay marwada madaxwaynahu, Huda Barkhad, bulshada reer Bali Gubadle ee loo magacaabay gobolka loogu wanqalay Hawd.

Hadaba, marwada madaxweynahu markii ay dhamaysan hambalyada ayay waxa ay sii raacisay in hadii ''SNM idin siisay degmo, anaguna waxa aanu idin siinay gobol!''

Arrintan ayaa runtii dad badan ka fajicisay. Maxay uga jeeday marwadu eragya ''anaguna''? waa ayo cida ay lahady anagu? Ma waxa ay u jeeday iyada iyo odaygeeda? Mise waxay u jeeday anaga oo xukuumadda ah? Mise waxaaba la odhan karaa waxa ay isbarbardhigaysay anaga oo ah.......iyo SNM?

Waxa caqliga saxa ahi ina siinayaa in aanay ''anagunada'' uga jeedin hadaanu nahay xukuumadda, waayo kuma hadasho magaca xukuumadda marawadu oo qof mushahar qaata ayaa hawshaa shaqo ku leh.

Marka taas laga reebo jawaabtu waxa ay noqonaysaa labada kale mid uun. In ay uga jeedayay ''anagunada'' iyada iyo odaygeeda, taas oo ay u badan tahay, marka aynu eegno ku tagrifalka awooda dalka ee ay caadaysteen hadba cida markaas xukunka u haysa ummada iyo ta kale ee kaba sii daran ee noqon karta in ay SNM is barbar dhigaysay marwada madaxwaynahu, oo ay u jeeday waxa SNM idin siisay waxa aanu aniga iyo odaygayga oo reer Boorama ah (i. e oo aan halgankii ka qayb gelin) idin siinay ayaa ka wanaagsan, sidaas daraadeed anagaa SNM idiinka wanaagsan , oo idiin dhaana reer Bali Gubadloooow!!!

Wednesday, June 18, 2008

Entertainment v. propaganda

After a long day’s work, I wanted to rest and enjoy the Euro 2008 match between Italy and France on Somaliland National TV last night. Most of the people in Hargeisa watch these pirated games on SLTV.

However, the game was delayed by the not-so-uncommon propagandistic TV coverage of delegation this delegation that, which visit Somaliland for reasons at variance with those that the government ‘spin doctors’ always tell the public.

Last night it was the visit of a state minister from UK that ruined the more entertaining game and delayed it by more than 25 minutes!

Damn it!