Waxa iska soo tarayay todobaadyadan ugu dambeeyay Somaliland xaaladdo murugsan oo ay sababeen khilaafyo farabadan oo oo ka soo burqanaya jihooyin kala duwan , khilaafyadaas oo saameyn ku yeelan kara aminigii iyo xasilooniddii ay Somaliland kaga duwanayd gobollo badan oo ka tirsan dalweynahii la isku odhan jiray Soomaaliya. Khilaafaadkan waxa loo kala qaadi kaara qaar ka dhexeeye xukuumadda iyo hayaddaha kale ee dawliga ah, gaar ahaan baarlamaanka ; qaar u dhaxeeya xukuumadda iyo saxaafadda gaarka loo leeyahay iyo qaar u dhaxeeya beelaha ku wada dhaqan Somaliland oo sababay colaado sokeeye oo dad badani ku naf waayeen.
Khilaafaadka xukuumadda iyo baarlamaanka
khilaafaadka iyo isla jaan qaadi la’aanta ka dhextaagan baarlamaanka iyo xukuumadda Somaliland ma aha kuwo maanta bilowday, balse waxa uu soo taagnaa ilaa iyo xiligii nidaamka doorsahadda lagu soo doortay xubnaha kuraasta ku fadhiya hada ee baarlamaanka, kuwaas oo bedelay baarlamaan beleedkii ka horeeyey. Horaantiiba baarlamaanka iyo xukuumaddu waxa ay isku qabsadeen, buuq aad u badanina ka dhashay doorashada shirgudoonka cusub ee baarlamaanka. Tani waxa ay ku dhaamatay markii dambe in ay shirgudoonka ku guulaystaan xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Kulmiye oo isu bahaystay si u yeeshaan shirgudoonka. Waxa mar kale khilaaf soo kale dhexgalay xukuumadda iyo barlaamanka markii ay mudanayaashu diideen in ay ansixiyaan miisanayidii sanadkii hore ee xukuumadda, iyaga oo dalbanayay in ay xukuumaddu wax ka soo badasho qodobo ku jiray odoroska miisaaniyada, balse ay markii dambe golahu si duuduub iyo xaal mastuur ah isu dhaafiyeen. Tani waxa ay durba shaki ku riday dad badan oo rajo weyn ka qabay in baarlamaankani uu ka duwanaan doono kii ka horeeyay, iyadda oo ay arrinta miisaaniyadduna tijaaboba u ahayd qaabka ay u shaqeyn doonaan baarlamaankan doorshada ku yimi mudooyinka soo socda.
Arrinta kale ee abuurtay khilaaf soo kala dhex gala baarlamaanka iyo xukuumadda waxa ay ahayd markii Amina Weris oo ah marwadda gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye la sheegay in shaqo ay ka heshay hayadda CARE International xukuumadu is hortaagtay. Iyaga oo daba socda arrintan ayay baarlamaanku waxa ay soo saareen mooshin lagu dalbanayo in Aamina Weris shaqada si degdeg ah loogu celiyo, mooshinkaas oo ay ku gacmo saydhay xukuuumadu iyada oo ku eedaysay baarlamaanka cusub in uu kala garan waayay shaqadiisa iyo shaqada xukuumadda.
Dhawaan waxa sidoo kale golaha baarlamaanku uu dib ugu celiyay xukuumadda xisaab celintii miisaaniyad sanadeedkii 2005, taas oo baarlamanku sheegay in ay ka maqan tahay xisaab celintaa lacago badan oo ay ahayd in lagu soo daro. Ayaamo yar uun ka dib arrintan ayaa waxa hadana baarlamaanku ku gacan saydhay in ay ansixiyaan xubnaha gudidda doorashooyinka ee cusub, xubnahan oo badali doona xubanahii hore ee waqtigoodii dhamaaday. Baarlamaanku waxa ay dib ugu celiyeen xukuumada xubnahaasi, si ay u soo dhamaystirto xukuumaddu liiska oo uu ka maqnaa xubintii ay magacaabi lahaayeen xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye, oo aan isagu u gudbin xukuumadda magaca xubinkaas.
Si kastaba ha ahaatee, iyada oo aanay xukuumaddu wax jawaab ah weli ka bixin arrintan ayaa waxa golaha la keenay mooshin cusub oo laba sanno loogu kordhinayo xubnahii hore ee guddidda doorashooyinka ee waqtigoodu dhamaaday, mooshinkaas oo baarlamaanku si buuxda u ansixiyay. Tani waxa ay khilaaf hor leh soo kala dhex galisay xukuumadda iyo baarlamaanka.
Hadaba khilaafyadan is daba jooga ah ee ka dhexeeya xukuumadda iyo baarlaamaanku waxa sababa ugu horeynba aqaan daro la xidhiidha dhanka maamulka dawliga ah iyo wada shaqeynta golayaasha dawladda oo saameysa labada dhinacba. Waxa kale oo sababa khilaafyadan had iyo jeer siyaasaddo daaha dabadiisa laga hago , siyaasaddahaas oo sal ku leh dano qabali ah iyo ku jiq sii ka soo burqata dhanka xisbiyadda ay ka kala tirsan yihiin mudanayaashu, kuwaas oo loo aaneeyo hab dhaqanka sharci ka boodka ah ee baraalmanku ku kaco mararka qaar.
Dhanka xukuumadda ayaa iyaduna mararka qaar isku dayda in ay baarlaamaanka ku duduucdo arrimo lagu muran sanyahay ama si toos ahba isu hor taagta soo jeedimo sharci ah oo kasoo baxa golaha baarlaamaanka, mararka qaarna kuba bixisa lacagaha dadku ugu yeedhaan ‘dhaameelka’ si ay u fushato arrimahaas.
Khilaafka xukuumadda iyo Haatuf media group
Waxa khilaaf sidoo kale ka dhex oogmay dhawaanahan mid ka mid ah saxaafadda gaarka loo leeyahay iyo xukuumadda. Khilaafkan waxa sababay qoraalo si xidhiidhsan in mudo ahba ugu soo baxay jariidada Haatuf ee ka soo baxda Harageysa, oo diiradda lagu saarayay musuqmaasuq farabadan oo lagu xidhiidhinayo xukuumadda Somaliland iyo gaar ahaan qoyska madaxtooyadda. Qoraaladdani waxa ay sababeen in muddo ku dhow laba bilood ay jeelka ugu xidhnaadaan mulkiilahii Haatuf iyo laba qof oo ka tirsan shaqaalahiisa.
Waa arrin iska macruuf ilaa heerka uu musumaasuqu ragaadiyay dhaqaalaha kooban ee Somaliland iyo sida uu ugu baahay dhamaan goobaha maamul ee xukuumadda . Dhanka kale, musuqmaasuqu ma aha mid la kowsaday xukuumadda talada haysa ee maanta, oo ay hada uun daahfureen suxufiyiinta Haatuf . Runtii, dad badani waxa ay kuba xidhiidhiyaan musuqmaasuqa ku baahay dalka hab dhaqanka ismaamul ee Somaliland qaadatay , kaas isku badhxay nidaamaka ismaamul ee casriga ah iyo ka dhaqanka Soomaalida ee qabaliga ku salaysan, oo isagu la sheego in uu dhiiri galiyo musuqmaasuqa.
Arrinta la is waydiin karaa waxay tahay sababta keentay xiligan in si aad ah loo buun buuniyo, loona soo faqo musuqmaasuq lagu eedayno maamulka madaxweyne Riyaale. Waxa in badan arrintaas jawaabteedu ku soo urruraysaa loolanka awooda ee sii xoogaysanaya ee u dhaxeeya xisbiyadda mucaaraddka iyo xukuumadda , iyadda oo xisbiyadda mucaardaka ahi ay si dadban ugu adeegsadaan saxaafadda odorosyadooda siyaasadeed, taas oo mararka qaar saxaafadu ku lumiso dhex dhexaadnimadeeda. Loolankan awooda ee u dhaxeeya xukuumadda iyo xisbiyadda mucaaradka ahi waxa uu marayaa heer la odhan karo waxa uu saameyn ku yeelan karaa xasiloonida iyo amaanka Somaliland, iyada oo ay meesha ka baxday xidhiidhkii wada shaqeyneed ee asxaabta iyo xukuumaddu.
Sida xaqiiqadu tahay in badan oo ka mid ah shaqsiyaadka sida aadka ah ugu eedeeya xukuumadda musuqmaasuqu waxa ay ka mid ahaayeen maamuladdii Somaliland soo maray, mana aha kuwo dibada ka joogay musuqmaasuqa ay hada ku eedeeyaan maamulka talada haya. Tani hadana u cudurdaarimayso musuqmaasuqu aadka ugu baahay xukuumadda talada haysa ee Somaliland.
Khilaafka Haatuf iyo xukuumadda waxa sidoo kale ku kale qaybsantay beesha uu ka soo jeedo mulkiilaha Haatuf, iyada oo qayb ka mid ah beeshaasi ay xaalka ka bixisay eedaymaha musuqmaasuq ee ay jariidadu ku xidhiidhisay qoyska madaxtooyadda , halka qayb kalena ay ku gacan saydhay isla xaalkaas.
Khilaafyo sababay colaado oo ku soo badanaya Somaliland
Todobaadaydii ugu danbeeyay waxa sidoo kale iska soo daba dhacayay wararka dhiiloda ah oo ku saabsan colaado iyo dagaalo ka oogmay gudaha jamhuuriyadda Somaliland, colaadahaas oo intooda badan la sheego in ay salka ku hayaan aanooyin qabiil iyo khilaafaad ku salaysan lahaanshaha deegaamo. Dagaaladaas oo ka kala dhacay gobolka Sool , Saaxil iyo kililka 5naad ee Itoobiya ayaa waxa ugu khatar badnaa ka ka dhacday deegaanadda Daroor ee kililka shanaad ee Itoobiya ,ee u dhaxeeyey beelaha Garxajis ee wada dega deegaanadaas.
Colaadan Daroor iyo deegaaandda u dhow ayaa waxa ay sababtay dhimasho iyo dhaawac aad u fara badan oo hafiyay cusbitaaladda magaalooyinka Burco iyo Hargeysa. Beelaha ku dagaalamaya deegaanka Daroor ayaa waxa sidoo kale ay wada degaan gudaha Somaliland, taas oo keeni karta khatarta ah in uu ku soo faafo dagaalku gudaha magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.
Dagaalka todobaakan ugu dambeeyey ka soo cusboonaaday jiidaasi waxa uu salka ku hayaa kuwo kale oo ka dhacay deeganadaasi badhtamahii sannadkii hore.Dagaaladaas oo demintiooda ay ka qayb qateen ergeeyinkii uga badnaa ee goob colaaddeed isugu yimaada ilaa inta la og yahay taariikhda deegnaadan ayaa waxa ay ka kala yimaadeen dhamaan goboladda Somaliland, iyo weliba kililka shanaad ee Itoobiya. Ergooyinkaasi waxa ay ku guulaysteen in ay joojiyaan xabadda , heshiisna dhexdhigaan beelaha ku daagalamay deegaankaas. Hasayeeshee waxa ay dad badani sheegaan in aanay ergooyinkaasi wax daba socod ah ku samayn sidii loo dhamaystiri lahaa go’aanadii heshiis ee laga gaadhay colaada ka oogantay jiidaas.
Dagaalkan ugu dambeeyay ayaa waxa uu ahaa mid aad uga xoog badan kuwii dhacay badhtamahii sanadkii hore, dhowr goorna iska soo daba noqnoqday. Dagaalkani waxa uu sabababay dhimasho iyo dhaawac aad u badan, iyadda oo ay hadana mar labaad ay u soo gurmadeen ergooyin ka badan kuwii hore u tagay jiidaas, sanadkii hore. Waxa sidoo kale imika la kala dhex dhigay dhinacyadda dagaalamaya ciidamo ka yimi kililka shanaad ee Itoobiya.
Waxa ay dadbadani is waydiinayaan goorta ay heerkan aadka u xun gaadhay colaada u dhexaysa labadan beelood oo iyagu xulufo iyo ood wadaag ba ahaa mudo aad u dheer dhanka Itoobiya iyo Somaliland-ba, horena aanay u dhex ool wax aano ah iyo arrimo kale oo ay isku khilaafsanaayeen. Tani waxa ay keentay shakiga ah in meesha ay ku jiraan arrimo siyaasadeed oo aan weli guntooda la gaadhin, arrimahaas oo ay ka shidaal qaadanayso colaada hada ka dhex oogan labadaas beelood ee ood wadaagta ah.
Gebogebadii, khilaafyaddan ku soo siyaadaya gudaha Somaliland hadii aan loo maarayn si taxadir badani ku jiro waxa ay hubaashii khalkhal wayn gelin karaan amaanka iyo xasiloonidda Somaliland ee aan lugaha sidaas aan u sii buurayn ku tukubaysa.